New York, United States – Somali News Network (SNN), August 28, 2025
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, marka laga reebo Mareykanka, waxay walaac xooggan ka muujiyeen macluusha sii balaartay ee marinka Gaza, waxayna ku booriyeen Israa’iil inay qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Jimcihii la soo dhaafay in dadka rayidka ah ee Gaza ay hadda ku nool yihiin xaalad macaluul oo kale ah. Iyadoo ay taasi jirto, Israa’iil waxay sheegtay inay ballaarin doonto howlgalkeeda milateri ee ay ka waddo dhulkaas.
Baaq wadajir ah oo Arbacadii, 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka ayaa ku tilmaamay waxa Gaza ka socda “dhibaato ay dadku sameeyeen.” Bayaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday in “U adeegsiga gaajada hub dagaal ay si cad uga mamnuuc tahay sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.”
Waxay ku baaqeen xabbad joojin degdeg ah, in si shuruud la’aan ah loo qaado dhammaan xannibaadaha Israa’iil ee gaarsiinta gargaarka bini’aadannimo, iyo in Israa’iil ay ka noqoto go’aankeeda ah in ay kordhiso howlgallada milatari ee ay ku doonayso in ay ku qabsato magaalada Gaza.
Geesta kale, ku-simaha safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Dorothy Shea, ayaa difaacday Israa’iil kulanka golaha ka hor inta aan war-murtiyeedka la soo saarin. Waxay xustay in “tan iyo bilowgii dagaalka Gaza, Israa’iil waxay ogolaatay qadar aan horay loo arag oo ka badan 2 milyan oo tan oo gargaar ah in la galo marinka Gaza.”
Kala qaybsanaanta qoto dheer ee Golaha Ammaanka ayaa ka tarjumaysa welwelka sii kordhaya ee caalamiga ah ee ku saabsan dhibaatooyinka bini’aadanimo ee sii kordhaya ee Gaza iyo baahida degdegga ah ee xal siyaasadeed si looga hortago dhibaatooyin kale.
Xigasho: NHK World