Mogadishu, Somalia – Somali News Network (SNN), August 31, 2025
Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Cumar Cali Cabdi oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto. Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Wasaaradda Col. Ahmed Fatxi Abdelsatar Al-Husseini, u qeybsanaha Difaaca ee Safaaradda Masar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka Difaaca, Tababarka, iyo u diyaar garowga soo daabulidda Ciidamada Masar oo dhawaan ku biiri doona Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Xigasho: SONNA